Alshabaab oo si xun loogu xasuuqay Bacaadweyne +SAWIRRO

1839

Shacabka Magaalada Bacaadweyne oo Tariikh Lama ilaawaan ah Ku Dhigay Kooxda Al-shabaab.
Weerar Saakay aroornimadii hore ka bilowday Degmada Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug ayaa Goor dhow la soo gaban gabeeyay kaas oo u dhexeeyay shacabka magalaadaasi iyo kooxda Al-shabaab. Waxaana dagaalkaasi ka dhashay Qasaare balaaran oo la gaarsiiyay kooxdii weerarka soo qaaday.
Dadka degmadaasi oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegey in Al-shabaab looga dilay dagaalkaasi in ka badan 35 Dagaalamayaal, waxaana laga qaatay hubkii ay wateen sida ay muujinayaa sawiro ay nala soo wadaageen dad ku sugan Bacaadweyne.
Qasaaraha soo gaaray dadka degaanka ayaa ah mid kooban marka loo eego jabka gaaray Al-shabaab, oo degaankaasi kala laabtay gadiid Dagaal oo bilowgii dagaalka si fudud ku qabsadeen. Shacabka ayaa Kooxda dib uga qabsaday Hal gaari oo ka mida Gadiidkii lagu qabsaday.
Xaaladda Degmada Bacaadweyne ayaa hadda ah mid dagan, walow wali jirto Saansanta Dagaalkii saakay.
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Galmudug oo ka baxay magaalada Hobyo kuwaas oo ka qeybbgalay dagaalka gunaanadkiisii. Waxaana wali reer Bacaadweyne u soo gurman Ciidanka Dowladda oo tiro aan yarayn ku sugan tahay degaanada Galmudug. Kuwaas oo Dagaalka kowaad ka bilowday xero ay lahaayeen Ciidamada qeybta 21-aad.