Barcelona Oo Garaacday Ferencvaros

1621

Kooxda Barcelona ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Ferencvaros kulan ka dhacay garoonka Puskas Arena kana tirsanaa kulankii 5-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League

Qaybta hore:

Kooxda Barcelona ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta inkasta oo uu Ronald Koeman is badal ku sameeyay shaxdiisa.

Barcelona ayaa ahayd kooxda fiican iyaga oo ka awood badnaa kooxda ay martida ugu ahaayeen garoonka Puskas Arena.

Daqiiqadii 14-aad ayayy Barcelona dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Antoine Griezmann kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay kooxdiisu ku hogaaminayso.

Barcelona ayaa sii waday weerarada iyaga oo raadinayay goolal ay ciyaarta ku dilaan waxana ay daqiiqadii 21-aad dhaliyeen goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Martin Braithwaite kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Xiddiga Ousmane Dembele ayaa daqiiqadii 28-aad dhaliyay goolka 3-aad ee Barcelona isaga oo rikoodhe ka dhaliyay kadib markii kooxdiisa loo dhigay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Barcelona wakhti horeba dishay natiijada ciyaarta soona bandhigeen qaab ciyaareed fiican.