PSG Oo Garaacday Man United +SAWIRRO

1756

Kooxda PSG ayaa Man United ku garaacday garoonkeeda Old Trafford kulan xiiso lahaa oo ka tirsanaa champions League xilli Red Devils 10 xiddig ku dhamaysatay ciyaarta.

Qaybta Hore.

Kooxda PSG ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaba oo Man United kaga naxsaday weeraro iyo waliba orod ay samaynayeen Neymar iyo Mbapee.

Daqiiqadii 6-aad ayay PSG dhalisay goolka 1-aad kadib markii uu Neymar si qurux badan gool ugu dhaliyay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Laakiin wixii intaas ka dambeeyay kooxda PSG ayaa dib u guratay taas oo kooxda Man United u fududaysay in ay si weyn u maamusho kulanka.

Kooxda Man United ayaa cadaadis aan caadi ahayd saartay kooxda PSG iyaga oo wax walba ka samaystay iyaga oo raadinayay goolka bar-baraha.

United ayaa samaysay fursado fiican laakiin Waxa ka hor istaagay Nasiib iyo ka faa’iidaysi lahaan in ay goolka bar-baraha wakhti hore dhaliyaan.

Laakiin daqiiqadii 32-aad ayay Man United dhalisay goolka bar-baraha kadib markii kubad uu Marcus Rashford laagay ay ku dhacday xiddig PSG ah sidaasna gool ku noqotay.

Waxa sidaas ku dhamamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay kooxda PSG si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta laakiin Man United kaga dambaysay.

Qaybta dambe:

Kooxda Man United ayaa qaybtii dambe ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo halis galiyay kooxda PSG waliba dhalin karay goolka hogaanka laakiin iska khasaariyay fursado badan kana mid ahayd fursad uu Martial goolka hortiisa la tagay kubada laakiin cirka geeyay.

Daqiiqadii 69-aad ayay PSG mar kale PSG kaga hor martay goolka iyaga oo uu xiddiga Marquinhos ka dhaliyay goolka 2-aad ee kooxda PSG.

Kooxda Man United ayaa war xun heshay daqiqadii 70-aad kaadhka cas loo taagay xiddiga Fred kadib kaadhkii 2-aad ee uu qaatay.

Xilli ay kooxda Man United raadinaysay goolka bar-baraha ayay kooxda PSG weerar rogaal celis ah daqiiqadii 90+1-aad ka dhalisay United iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Neymar.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay PSG guul qaali ah ka gaadhay kooxda Man United waliba dib u soo noolaysay rajadeeda wareega xiga ee tartanka.