DAAWO:-Indhacadde”Musharaxiinta waxaa ka difaaceynaa ciddii weerarta

1502

Jeneral Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa ka hadlay xilka dhowaan loo magacaabay isaga iyo saraakiil kale oo ah inay ilaaliyaan, oo ay sugaan amniga musharaxiinta mucaraadka.

Indha Cadde ayaa shaaca ka qaaday cidda ay ka difaacayaan musharaxiinta mucaaradka, wuxuuna sheegay in ciddaas ay tahay dowladda federaalka Soomaaliya, inkasta oo uusan magacaabin.

“Midowga Musharaxiinta waxaa laga difaacayaa ciddii mid ka mid ah musharaxiinta weerartay oo layday, oo istaafkooda layday, oo guryahooda ugu dhacday, oo ku dhaawacday, ciddaas ayaa laga difaacayaa, waana la yaqaan ciddaas cidda ay tahay, waana cidda hadda diidan sharciga iyo dastuurkii la qortay,” ayuu yiri Indha Cadde.

Hadalka Indha Cadde ayaa u dhacaya ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa NISA oo bishii December ee 2017 gurigiisa ku weeraray Cabdiraxmaan Cabdishakuur, halkaasi oo ay ku dileen qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Indha Cadde ayaa sidoo kale si aan gabasho lahayn u sheegay inuu musharaxiinta ku difaacayo hab beeleed.

“Anigaaba kuu sheegaya, Soomaaliya ayaa qabaa’il ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo muxuu ku joogaa? qabiil ayuu ku joogaa, 4.5 ayuu ku joogaa, waa nin Daarood oo Mareexaan ah,” ayuu yiri Indha Cadde.

Waxa uu intaas ku daray in musharaxiinta aysan ahayn hal qabiil oo kaliya oo Hawiye ah, balse haddii xitaa ay qabiil noqoto aysan ceeb ahayn.