Liverpool oo aa qiru saaca quusisay Tottenham +SAWIRRO

1410


Liverpool ayaa waqtigii geerida waxa ay guul qaali ah ka gaareen Tottenham oo qeybta labaad soo bandhigtay ciyaar weerar aheyd waliba ay birta goosha ay diiday, waxa ayna uga talaabsadeen 2/1

Sheekada ciyaarta:Labada koox waxa ay nasiinada ku aadeen bar bar dhac min hal gool ah waxa ayna qeybtaas hore guud ahaan kubadda maamulayay Liverpool oo gaarayay heer dhan %70

Liverpool kubad weerar ah ayay soo bandhigeen waxa ayna duulaan ku ahaayeen goosha Tottenham kuwaasi oo dhankooda kubad daafac ciyaarayay xilli Liverpool goolka ay heleen daqiiqaddii 26-aad waxaana dhaliyay Salah oo banaanka ka toogtay.

Tottenham daafac ahaan waa ay wacnaayeen balse kubad waliba oo ay dhisaan waa la is hor taagayay xilli dhankooda lagu dilay kubadda rogaal celis aheyd waxaana ka dhaliyay Son.

Goolkaas , waxaa ka muuqday qalad maadaama si ka bad badis ah ay daafaca Liverpool horay ugu soo dhaqaaqeen, waxaana qeybta labaad labada koox laga filan karay is badal hanaanka ciyaarta ah.

Qeybta labaad , dar dar ayay labada koox xilli qalad ka dhacay goolhayaha Liverpool uu ku keeni gaaray gool uu ka dhaliyo Harry Kane balse isla goolhayaha ayaa bad baadiyay

Ciyaar deg degsiimo leh ayay labada koox soo bandhigeen xilli Tottenham ay wererar ahaayeen si wacan ayayna ugu soo dhaqaaqayeen afka hore xilli goolhayaha Tottenham uu daqiiqadii 56-aad kubad gool xaqiiq aheyd uu ka bad baadiyay Salah

Tottenham fursado xaqiiq ah ayay ku abuurayeen shabaqa Liverpool xilli daqiiqadii 62-aad birta ay u diiday kubad gool aheyd oo si wacan looga shaqeeyay .

Sidaas oo tahay , ka dib dhacadaas Liverpool kubadda waa ku badnaayeen weerar ayayna ahaayeen waxaana daqiiqadii 72-aad kubad gool qurxoon noqon laheyd waxaa si cajiib a ah koorno ugu saaray goolhayaha Tottenham .

Dhamaadkii waa ay is weereereen xilli Liverpool kubadda ku badneyd waxa ayna guud ahaan qeybtaas labaad aheyd mid xaraarad leh oo taageerayaasha looga raalo giliyay ciyaartii halka dhinac aheyd

Guud ahaan qeybta labaad waxa uu ahaa u dhawaa mid isku dhaw labada dhinac inkastoo fursadahaan ay halis ahaayeen Tottenham waxaana Liverpool ka farxiyay Ferminho oo kubad koorno laag soo qaaday si cajiib ah madaxa ugu dhaliyay daqiiqadii 89-aad.