Shirkii IGAD oo la soo gebagebeeyey +SAWIRRO

1871

Shirkii aan caadioga aheyn ee madaxda IGAD oo ayaa goor dhoweyd oo caawa ah lagu soo gabagabeeyay dalka Jabuuti.

Shirka ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin dagaalka gobolka Tigray ee dalka Itoobiya iyo khilaafka dalalka Somalia iyo Kenya.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dhexdhexaadiyay oo kulan gaar ah isugu keenay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.

Sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow kulankaas abiy Ahmed iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxay ku guuleysteen inay ku qanciyaan labada dal soo celinta xiriirkii diblomaasi iyo in xaaladda la qaboojiyo, lana joojiyo haddalada colaadeed ee la isu marinayo Warbaahinta.

Maadaama ay Soomaaliya iyadu xiriirka u jartay Kenya Madaxweyne Farmaajo ayaa inta badan culeysku saarnaa, waxaana la sheegay in heshiiska ay Soomaaliya iyo Kenya dhex dhigeen madaxda Jabuuti iyo Itoobiya la shaacin doono marka madaxda Soomaaliya iyo Kenya ay ku noqdaan dalalkooda.

Madaxda dalaka IGAD ee shirka ka qeyb gashay ayaa caawa iyo ilaa beri ku laabanaya dalalkooda iyadoo lagu heshiiyay in labada dowladood ku dhawaaqaan soo celinta xiriirka diblomaasi ee Kenya iyo Soomaaliya.

Madaxda IGAD ayaa dhinaca kale taageeray howlgalkii ay Itoobiya ku qaaday Gobolka Tigray, waxaana Guddi loo saaray xalinta khilaafka xuduudka Itoobiya iyo Suudaan sida lagu sheegay War murtiyeed ka soo baxay shirkaasi.