Liverpool Oo Todoba Gool Ku Xasuuqday Crystal Palace +SAWIRRO

1554

Kooxda Liverpool ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Crystal Palace kula ka tirsanaa todobaadkii 14-aad ee horyaalka premier League kana dhacay garoonka Selhurst Park:

Qaybta hore:

Kooxda Liverpool ayaa ciyaartay ama soo bandhigtay qaab ciyaareedkoodii ugu fiicnaa horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo u awood sheegtay kooxda Crystal Palace.

Reds ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaar iyaga oo sameeyay fursado deg-deg ah waliba qaaday weeraro aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 2-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Takumi Minamino kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa wakhti hore.

Kooxda Crystal Palace ayaa iska caabin xoogan samaysay kadib goolka iyaga oo weeraro halis galiyay ku qaaday Goolka kooxda Liverpool.

Laakiin daqiiqadii 36-aad ayay Liverpool dishay dadaalkii Crystal Palace iyaga oo uu Sadio mane u dhaliyay gool qurux badan kana dhigay ciyaarta 2/0.

Kooxda Liverpool ayaa gabi ahaan dishay ciyaarta qaybtii hore kadib markii uu xiddiga Roberto Firmino goolka 3-aad u dhaliyay kooxdiisa kana dhigay 3/0.

Waxa sidaa ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Liverpool soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah una qalantay goolasha ay dhalisay.

Qaybta Dambe:

Inkasta oo ay 3-da dhibcood jeebka ku shubteen qaybtii hore hadana Liverpool ayaan hoos u dhigin qaab ciyaareedkooda waxana ay mar kale ku bilowdeen si dar-dar leh.

Daqiiqadii 52-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 4-aad iyaga oo uu u dhaliyay kabtankooda Jordan Henderson kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0.

Roberto Firmino oo dadka ka shakisan awoodiisa wax barayay ayaa daqiiqadii 68-aad dhaliyay goolkiisii 2-aad ee ciyaarta iyo goolkii 5-aad ee kooxdiisa.

Reds ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqadii 80-aad dhaliyay goolkii 6-aad ee kooxdiisa iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah kaas oo dhaliyay goolkii 6-aad ee ciyaarta.

Daqiiqadii 84-aad ayay Liverpool mar kale dhalisay gool waxana markan gool caalami ah shabaqa dhex-dhigay xiddiga Mohamed Salah kaas oo dhaliyay goolkiisii 2-aad ee ciyaarta iyo goolkii 7-aad ee kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamatay ciyaarta oo ay Liverpool 7/0 ku garaacday kooxda Crystal Palace siina dheeraystay hogaanka horyaalka.