Nin Weerar Ka Geystay Oo Toogasho Lagu Dilay

1301

Weerar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday Bam gacmeed oo xalay fiidkii ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan suuqa Bakaaraha, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

Nin hubeysan ayaa weerarkaas ku qaaday fariisimo Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Isgoyska degmada howlwadaag ee Gobolka Banaadir, waxaana weerarka kadib la maqlay rasaas ay fureen Ciidamada halkaas ku sugnaa.
Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in weerarka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo hal Askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu yahay, halka labada kalena ay ahaayeen dad shacab ah oo goobta ka agdhawaa.

Ninkaas weerarka fuliyay ayaa marka hore isku dayay inuu goobta ka baxsado, hayeeshee Askari dharcad ah oo xiligaas goobta ku sugnaa ayaa toogasho ku dilay Ninkii weerarka geystay.

Ciidamo kale oo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka ayaa tegay isgoyska howlwadaag ee Gobolka Banaadir, isla markaana halkaas ka qaaday Ninkii hubeysnaa ee la toogtay. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey uga dhacay weeraraadan oo kale.