DAAWO:-Congress-ka Mareykanka oo ansixiyay doorashadii Joe Biden

1870

Labada Aqal ee Golaha Congress-ka wadanka Mareykanka ayaa ugu dambeyn maanta ansixiyey doorashadii dhowaan ka dhacday dalkaasi ee uu ku soo baxeen madaxweyne Joe Biden & ku xigeenkiisa Kamala Harris.

Mike Pence madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa guddoomiyey kulankan oo go’aan kama dambeys ah looga gaaray doorashada, isaga oo shaaciyey natiijada meel-marinta.

Meel-marintan ayaa soo gaba-gabeysay doodii dheereyd ee maalmahan ka taagneyd doorashadaMareykanka ee u dhexeysa Trump & Biden.

Sidoo kale inta ay socotay munaasabadda meel-marinta oo ay hareeyeen qalalaase xoogan ayaa qaadatay muddo ka badan 15 saacadood, iyada oo ugu dambeyn Golaha Congress-ka uu ansixiyey doorashada Joe Biden oo helay 306 cod, halka Trump uu helay 232 cod ergada codadka dhiibatay.

Joe Biden ayaa ansixintan kadib xilka si rasmi ah ula wareegi doono 20-ka bishan Janaayo ee sanadka 2021-ka.