-Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa u hanjabay dadka taageera Al-Shabaab ee ku sugan magaalada Galkacyo iyo guud ahaan gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa ku goodiyey dadka u nugul amarrada Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada Galmudug iyo dad uu sheegay inay buun-buuniyaan goobaha ay qabsadaan Al-Shabaab, kuwaas oo uu ku tilmaamay ‘damiir laaweyaal’ sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaan rabnaa kuwa dhibaatada argagixisada buun-buuniya, kuwa fariimahooda u hoggaansama oo is leh amey si gaar ah kuu dhibaateeyaan ama qaarkood dano raqiisa ka leh, waxay noola mid yihiin Al-Shabaab, Kuwa mar kasta yiraahda Shabaab ayaa meel hebla qabsaday, Shabaab ayaa saas yeelay, waa maan-laaweyaal aan garaneyn waxa ay ku hadlayaan, waxuu rabaa cadawgaas inuu dadka u xayeysiiyo, isagoo si xun u fekeray.” Ayuu yiri madaxweyne Qoorqoor.
Dhanka kalena, madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in maamulkiisu uusan ogolaan doonin, in dadka lagu qal-qal geliyo tallaabooyinka ay qaadaan Al-Shabaab, isla markaana farriimahooda iyo dalabkooda aan loo hoggaansami karin.
“Kii xoola ku bixiya, kii waqti ku bixiya, kii u taga, dhibaatada ay dalka ku hayaan ayuu qeyb ka yahay, dadka ayuu dhinaciisa ka dhibayaa, waana la xisaabtameynaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor.