Cabdi Xaashi Oo Taageray Soo Jeedinta Puntland

1300

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo dhoweeyay soo jeedinta Dowlad Goboleedka Puntland ee ah in shirka lagu baaqay 15ka Febraayo 2020 lagu qabto magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lagu soo dhaweeyay soo jeedinta Puntland ee ah in Shirka Madaxda dowladd, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir lagu qabto Muqdisho, si uga qayb galaan dhammaan saamilayda siyaasadda iyo Bulshada rayidka ah.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku baaqay in la wada ilaaliyo nabad galyada iyo xasilloonida Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, si looga fogaado wax kasta oo keeni kara khalalaaso siyaasadeed ee dhaca.

Puntland ayaa ku talisay in Shirka Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir lagu qabto Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, maadaama uu idlaaday muddo xileedkii Madaxweyne Cabdullaahi Farmaajo.

Shirkaan ayaa sida la shaaciyay ka dhici doona Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, isla markaana waxaa uu furmi doonaa 15-ka bishaan Febraayo, wallow Puntland ay sheegtay in aan la tashi lagala sameeyn shirkaas.