Man City Oo Ku Bar-baraty Everton +SAWIRRO

1757

Man Cuity ayaa haysa wadada guusha , waxa ayna guulo ay u qalmeen ka gaareen Everton oo ay marti ugu ahaayeen kulan horay ugu baaqday waxa ayna uga talaabsadeen 3/1

Everton iyo Man City ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac min hal gool ah waxa ayna wada ciyaarayeen kulan horay uga baaqday horyaalka Ingiriiska.

Man City ayaa guud ahaan maamushay qeybtaas hore oo iyaga ayaa kubadda haystay balse xalka ayaa ka maqnaa.

Everton kaliya daafac ayay ku jirween waxa ayna City qeybtaas hore Everton ka ciqabeen dhan waliba goosha kooxda tababare Ancelloti ayay ka dhaman waayeen.

Heerka kubadda haysashada City ee qeybtaas hore waxa ay gaareysay %67 waxaana Everton daaliyay Mahrez xilli goolka ay heleen daqiiqaddii 32-aad waxaana dhaliyayPhil Foden .

Balse goolkaas muddo ma raagin waxa ayna Everton ka dib kuabd rogaal celis aheyd waxa ay ku dhaliyeen goolka bar bar dhaca daqiiqadii 37-aad waxaana lahaa Richarlison.

Soo laabashadii , City kubadda heer dhan %68 ayay haystaan waxaana hor taagnaa goolhayaha Everton xilli wiilasha Ancelotti mararka qaar halis ku ahaayeen kubadaha rogaal celiska ah.

City waa ay mudnaayeen gool labaad waxaana ugu dambeyn daqiiqadii 63-aad meel fog ka toogtay Riyad Mahrez waxa uuna goolkaas yimid xilli City iyaga ay maamulayeen kubadda.

Ka dib goolkaas heer kubad haysashada City wax auu gaarayay %84 waxa ayna ciyaarayeen kubadda deg degsiimo waxa ayna mudnaayeen goolal dheeraad ah xilli Everton kaliya rogaal celiska ay maciin bidayeen

Ka dib dhamaadkii , wax laga qoro ma jirin ciyaarta waayo City ayay gacanta ugu jirtay ilaa ay keeneen gools edexaad oo siq urux badan looga shaqeeyay waxaana dhaliyay Bernardo Silva daqiiqadii 77-aad , waxaana xusid mudan in Riyad kulankaan uu muujiyay in uu mudan yahay in uu asaasi ka ahaado shaxdo macalin Pep ee City , waxa uuna uuna Pep ka dib uu soo giliyay Kevin De Bruyne oo loo saaray Raheem .

Si waliba , City ayaa ku dhameysay sedex iyo hal oo ay hogaanka ku sii haystaan.