Weriye Kilwe Aadan oo xukun lagu riday

1280

Maxkamadda derada 1aad ee ciidamada qalabka sida gaar ahaan gobolada Nugaal, Sool iyo Karkaar ee Puntland ayaa maanta xukun ku riddey Wariye Kilwa Aadan Faarax oo muddooyinkii ugu dambeeyey u xirnaa laamaha ammaanka dowladda Puntland.

Wariyaha ayaa Maxkamadda waxaa ay ku riday xukun xarig Saddex bilood ah oo ka bilaabanaya markii la xiray oo ah 28-ki Bishii December sanadkii 2020, iyadoona ay uga dhimman tahay muddo saddex maalmood ah sida lagu sheegay war ka soo baxay warbaahinata Puntland.

Wariyahaan waxaa lagu soo eedeeyay inuu duubay muuqaal ku saabsan sawirka madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo la jeex-jeexayo.

Maxkamadaynta Wariye Kilwe Aadan oo ka dhacday Xabsiga weyne ee Garoowe waxaa goob joog ka ahaa Maxda Ururka Warbaahinta Puntland, Gudoomiyaha Xuququl Aadanaha Puntland iyo qaar ka mid ah Wariyeyaasha ka howl gala Garoowe.

Dhawaan ayey aheyd markii madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni uu sheegay in wariyaha uu yahay dambiile, isla markaana maxkamadda ay xukun kasoo saari doonto.

Wariyaha wuxuu baahiyay muuqaalka dad ka banaanbaxayay sicir barar ka dhacay Garowe oo ka tirsan gobolka Nugaal.