DAAWO:-Wasiir Xundubeey mucaaradka iyagaa baajiyay banaanbaxa

1704

Wasiirka amniga Dowladda Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale oo warbaahinta shir jiraa’id u qabtay ayaa ka hadlay go’aan kii Midowga Musharixiinta ay dib ugu dhigeen Bannaanbixiin la qorsheeyay, ee loo ballansaanaa in uu dhaco maalinta berri ah.

Wasiirka ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya ay soo dhaweynayso go’aanka ay Mucaaradku ku joojiyeen mudaharaadkii maalinta berri ah loo ballansanaa. Waxaana intaas uu ku daray in Amniga iyo xaaladaha caafimaad ee jira awgeed dawladdu ay mar walba jecleed in aan isu imaatin la sameyn.

Waxaa intaas uu ku daray Wasiirka amnigu in aysan ogalaan doonin Ciidan ay wataan Musharixiintu oo suga ammaanka dadka bannaanbaxaya, waxaana uu sheegay in arrintaasi ay abuuri karto kala shaki iyo in lagu soo dhex-dhuunto Ciidanka, taasi oo fududeyn karta in ay dhacaan falal amni darro.

Horay Midowga Musharixiinta ayaa u shaaciyay in uu baaqday bannaanbixii berri loo balalnsanaa, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo shir Jaraa’id qabtay ayaa warbaahinta u sheegay in bannaanbaxaasi uu dib u dhacay, balse uu dhici doono dibna ay kasoo sheegi doonaan goorta la qabanayo mudaharaadkaasi, waxaana sababta dib loogu dhigay uu ku sheegay in ay jiraan arrimo dhowr ah oo bannanbaxa ay u baajiyeen, dhanka ammaanka iyo xaaladaha caabuqa Covid19 ayuu sheegay in ay caqabad ku yihiin Mudaharaadka.