Arsenal Oo Guul Soo Laabsho Leh Ka Gaadhay Tottenham+SAWIRRO

1452

Kooxda Arsenal ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Tottenham kulan ka tirsanaa todobaadkii 28-aad ee horyaalka premier League kana dhacay garoonka Emirates.

Qaybta Hore:

Kulanka ayaa ku bilow qaab ay kooxda Arsenal ku fiicantahay ciyaarta waliba maamulaysay ciyaarayta iyada oo ay Tottenham qaab daafac ah ku jirtay.

Arsenal ayaa samaysay fursado cajiib ah laakiin waxa ay ku dhibaatootay in ay goolka Tottenham gaadho.

Daqiiqadii 33-aad ayay Wax walba is badaleen kadib markii xiddiga Eric Lamela oo badal ku soo galay ciyaarta laguna badalay Son gool cajiib ah u dhaliyay kooxdiisa hogaankana u dhiibay.

Arsenal ayaa bilowday in ay raadiso goolka bar-baraha waliba qaadaysay weeraro aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 44-aad ayay Arsenal dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Martin Odegaard kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro laakiin Arsenal ahayd kooxda fiicnayd.

Qaybta Dambe:

Kooxda Arsenal ayaa qaybta dambe ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo Tottenham saaray cadaadis waali ah.

Jose Mourinho ayaa sameeyay khalad waali ah isaga oo badalay xiddiga Gareth Bale kaas oo ahaa mid ay xiddigaha Arsenal ka cabsi qabeen.

Mourinho ayaa badal ku soo galiyay xiddiga Moussa Sissoko kaas oo uu doonayay in uu difaaca ku xoojiyo si ay bar-barahaa ugala baxdo kooxdiisu.

Laakiin Arsenal ayaa daqiqiadii 64-aad dhalisay goolka 2-aad kadib rikoodhe loo dhigay xiddiga Alexandre Lacazette kaas oo gool u badalay.

Wixii intaas ka dambeeyay Tottenham ayaa niyad jabtay xilli ay Arsenal ku raaxaysanaysay ciyaarta iskuna dhiib-diibaysay kubado ay wakhtiga ku dilayso.

Daqiiqadii 83-aad ayay Tottenham dhalisay goolka ba-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Harry Kane laakiin goolkaas ayaa la diiday Offside uu Kane ku jiray.

Kooxda Tottenham oo sii waday weerarka ayaa daqiqiadii 89-aad birta ku dhufatay kubad gool noqon lahayd xilli ay Arsenal dareentay khal-khal daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal guul soo laabasho leh ka gaadha kooxda Tottenham kulan uu Mikel Arteta markii ugu horaysay ka badiyay Jose Mourinho.