Leicester City Oo FA Cup-ka Ka Reebtay Man United +SAWIRRO

1920

Leicester City ayaa ku raaxeysatay Man United oo ay ka reebeen tartanka FA Cup-ka , waxa ayna iska xaadiriyeen wareegga 4-ta ka dib markii ay kooxda Ole Gunner ku garaaceen 3/1

Sheekada labada qeyb : Qeybta hore waxaa lagu nastay min hal gool waxaana ku horeeysay kooxda garoonka kuwaasi oo soo bandhigay ciyaar sareysa waliba United u diiday in daafacooda jiiraan .

Inkastoo fursado ay isku heleen labada dhinac hadana United waxa ay ka sheeganeysay qaladaad ah in kubadda durba ay qasaarinayeen oo ay cagtooda ka baxeysay illaa ugu dambeyn lagu keenay gool qaladkeeda uu lahaa Fred kaasi oo si qaldan kubadda ugu baasay goolhayaha balse dhexda laga helay waxa uuna goolkaas yimid daqiiqadii 24-aad

United dhamaadkii waxa ay dagaal ugu jireen in kubadd gaarsiyaan afka hore ee Leicester City inkastoo guud ahaan United u baahnaayeen in is badel weyn sameeyaan oo ah dadajinta kubadda waliba qaab saxan waxa ayna dhamaadkii heleen goolka barbar dhaca waxaana saxiixay Greenweood daqiiqadii 38-aad.

Qeybta labaad, labada koox kubadda waa ay dadajiyeen balse United dhanka daafaca dal daloolo ayay ka sheeeganeysay illaa lagu keenauy gool labaad waxaana lagu helay daqiiqadii 52-aad halka Leicseter City daqiiqadi 60-aad iska qasaariyeen fursad xaqiiq aheyd waxaana sidaas sameeyay Vardy .

United xaalka waa ku adkaa , wax aynaa kooxda garoonka ku wacnaayeen halis gilinta xilli ay ciyaarayeen kubad kalsooni leh ,waxa ayna United badalkii ugu horeeyay sameeyeen daqiiqadii 64-aad waxaan si wada jir u soo galay Fernandes , Shaw , Mctomany iyo Cavani , waxa ayna United ka dib sameeyeen in kubada gaarsiiyaan aagga goosha.

Maadaama daafaca Leicster City adkaa waxa ay United qeybihii dambe bilaabeen in ay maciin bidaan in ayn ku tiirsanaadaan kubadaha dheer oo banaanka laga tooganayo hallka kooxda garoonka sameynayeen kubado rogaal celis ah ah oo halis ahaa ilaa ay keeneen gool dhanka koornada ka yimid waxaana laga dhaliyay daqiiqadii 78-aad.

Goolkaas waxa uu u diray farriin ah in United kulankaan daafac ahaan ay jireen dal daloolo waaweyn oo si qaldan ayay kubadda u xerteen taasi oo keentay in gool sahal ah uu ka dhashay kaasi oo ciytaarta ka dhigay 3/1 .

United si waliba ayay dhamaadkii u dadaaleen balse kooxda garoonka aad ayay u foojignaayeen waxaana ciyaarta loogu dhameeyay 3/1 oo ay Leicester City isaga xaadirisay wareegga semi finalka oo ay isku arkayaan Southampton halka Chelsea iyo City-na is arkayaan.