DAAWO:-Waare “Siciid Deni hadduu Hirshabeelle joogilahaa waa la cayrin lahaa”

1988

Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Hirsahbeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo khilaafka hareeyey doorashooyinka guud ee dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in xilligaan siyaasiyiinta Soomaalidu aysan isku hayn masiirka dalka haseyeeshee waxa laysku cayrsanayaa uu yahay doorasho iyo cidda ku soo baxaysa kuraasta labada aqal ee barlamaanka jamhuuriyadda Soomaaliya.

Mar uu soo hadal qaaday qaabkii xafiiska looga saaray ayuu sheegay in awoodlagu muquuniyey wuxuuna tusaale u soo qaatay qaabka uu Madaxweyne Deniga Puntland dowladda uga amar diideeyey oo uu ku sheegay inuu haysto garab uusanna kujirin gacanta dowladda haddii uu joogi lahaa Hirshabeellena marhore la cuni lahaa.

“Aniga may dowladdu Siciid Deni iga jeceshahay, waa uga dhowahay oo meel layga soo toogan karaan kujiraa dad garaboo iga difaaca ayaanan haysan ee Ma Siciid Deni oo Jowhar joogaa dowladdu deyn lahay waa maya”, ayuu yiri Madaxweynihi hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.