Somaliland oo beesha Hawiye ka mamnoocday inay doorashada codkoosa dhiibtaan

1517

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland ayaa sheegtay inaan Beelaha Hawiye ka codeyn karin dalka maadama oo aanay u dhalan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaraddaasi ayaa hadalkaan yidhi isagoo ka jawaabaya kaddib markii odayaal dhaqameed iyo dadweyne kale oo ka hadlay Burco kana soo jeeda Beelaha Hawiye ay sheegeen inay Murashaxiin Burco ka sharaxan ay u codeynayaan.

“Qof aan u dhalan Somaliland ma codeynayo, way iska hadlayaan, ka soo kaxaystayna wuu iska hadlaya. Waannu ku daba jiraa maalamaha soo socdana talaabo ayaanu ka qaadaynaa ku waxaas leh.” Ayuu yiri wasiirku.

Doorashada Golaha Deegaanka Soomaaliland ayaa dhacaya dhamaadka bishaan oo taariikhdu ku beegan tahay 31-ka May,taas oo diyaar garoow badan lagu jiro.