Xilliga lasoo xirayo shirka doorashada oo shaaciyay

1337

Wasiirka wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyey xiliga lagu wado in lasoo afmeero shirka qaran ee wada-tashiga doorashooyinka dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in shirka ay isku horfadhiyaan madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir aan lagu daahi doonin, maadama is-faham horudhac ah laga gaaray qoddobo xasaasi ah oo ay ka dhaqaaqi waayeen shirarkii hore.

Waxa uu xusay in shirka wada-hadalada doorashada lasoo xiri doono maalinta berri oo ku beegan 24-ka bisha May, isagoona hoosta ka xariiqay inay suurta-gal tahay in maalin iyo labo ay ku darsanto mudadaas, taasi oo ka dhigaysa in shirka uu soo afmeeri doono Isniinta ilaa Arbacada inta u dhaxeysa.

“Waxyaabaha qaar waa laga wada-hadlay, bilow wanaagsan ayuu ku furmay. Rajada waxay tahay inaan aad loogu daahi doonin shirka, ilaa Isniinta uu soo dhamaan doono, laakiin waa dhici karaa in maalin iyo labo ku darsanto,” ayuu yiri Wasiir Xundubeey.

Sidoo kale waxa uu sheegay in arrimaha laga wada-hadalayo hore la iskula meel dhigay, iyadoo xiligan la isla meel dhigayo arrimaha tifaftirka u baahan, isaga oo meesha ka saaray in wax dhibaato ama carqalad ah ay ka taagan tahay arrimaha amniga.

Shirka doorashada ee ka socda Muqdisho ayaa ka gedisan kuwii hore, waxaana ka maqan madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday oo qaar kamid ah madax goboleedyadu ay ku eedeyen fashilka shirarkii hore, waxana sareysa rejada laga qabo in heshiis laga gaaro khilaafka doorashada ee mudada badan soo jiitamay.