Qoor Qoor oo Joojiyay dhismaha Golaha Deegaanka Balanbale

1221

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa joojisay dhismaha gollaha deegaanka qaar kamid ah Degmooyin hoostaga maamulkaasi, kadib markii dhawaan heshiis laga gaaray doorashada federaalka uu muran xoogan ka taagnaa.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada arimaha guddaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu xaqiijiyay in la joojiyay abaabulka qabashada doorashooyinka Golaha Deegaanka ee magaalooyinka Dhuusamareeb, Cadaado, Caabudwaaq, Hobyo iyo Balanbale.

Wasiirka Warfaafinta Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle oo Warbaahinta la hadlay ayaa dhankiisa sheegay in la joojiyay dhismaha gollaha deegaanka shan degmo maadaama uu xusay in lagu galayo doorashada heer federaal ee labada aqal.

“Labo doorasho iskuma dul-qaban karno, muddo 90-cishe waxaa la laalay dhaq-dhaqaaqyada Doorashooyinka Golaha Deegaanka, Wasaaradda arrimaha Gudaha oo howshaas ku howlaneen waa in awooddeeda ay gelisaa doorashooyinka qaranka, Wufuudda imaaneysa & xaqiijinta Amniga” Ayuu yiri Wasiir Falagle.

Galmudug ayaa mudooyinkan ku howlnaeed dhismaha golle deegaan ay yeeshaan degmooyinka hoostaga maamulkaasi, waxaana hakinta dhismaha gollaha deegaanka kusoo aadaya xili uu khilaaf ka dhashay qaabkii loo dhisay qaar kamid ah golahah deegaanka Galmudug.