Qarax caawa Muqdisho ka dhacay

1402

Qarax xoogan ayaa caawa ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho kaasoo laga maqlay meelo badan oo ka mid ah caasimada.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxan lala beegsaday gaari Surf ah oo marayey wadada Taleex oo ka tirsan degmada Hodan kaasoo aan la ogeyn cida la socoay.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka uu qaraxaas u dhacay, warar qaarkood ayaa sheegaya inuu ka dhashay miino la dhigay wadada dhinaceeda, halka warar kalena ay sheegayaan inuu ahaa qarax ku xirnaa gaariga.

Ugu yaraan labo qof ayaa la xaqiijiyey iney ku dhaawacmeen qaraxaas, kuwaasoo loola cararay goobaha caafimaadka iyadoo dad goob joogayaal ay ay warbaahinta u sheegeen in dhaawacoodu cuslaa.

Ciidamada amaanka DF ayaa goobtaas gaaray muddo koobana xiray, iyagoo sameeyey baaritaano kala duwan, mana jiro war ka soo baxay laamaha amaanka oo ku saabsan qaraxan.