Brentford Oo Dhulka Ku Jiiday Arsenal +SAWIRRO

1134

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxda Brentford kulan ka dhacay garoonka Brentford Community Stadium.

Qaybta Hore 

Kulanka ayaa ahaa mid ay Arsenal ku dhibaatoonaysay xiddigo badan oo muhiim ah oo ka maqnaa kulanka sababo la xidhiidha dhaawacyo soo gaadhay.

 

Arsenal ayaa si weyn isha loogu hayay maadama la doonayay in la eego is badalka iyo horumarka uu Mikel Arteta ku sameeyay kooxda kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka.

Gunners ayaa si dar-dar leh ku bilabaatay ciyaarta iyaga oo goobo galiyay kooxda Brentford kuwaas oo difaac ku bilowday ciyaarta iyaga oo doonayay in ay Arsenal u diidaan goolal wakhti hore ah.

Daqiiqadii 22-aad ayay Brentford ka yaabsatay Arsenal kadib markii uu xiddiga Sergi Canos dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta isaga oo ciyaarta ka dhigay 1/0 kadib khalad uu sameeyay xiddiga Chambers.

Kooxda Arsenal ayaa isku dayday in ay ku soo laabato ciyaarta laakiin Arsenal ayaa si weyn u tabtay xiddigaha weerarka ah ee ka maqnaa maadama ayna wax saamayn ah ku yeelan ciyaarta dhinaca weerarka.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Brentford hogaaminayso ciyaarta waliba ahayd kooxda fiican xilli ay Arsenal si weyn ugu dhibaatootay kulanka dhinac walba.

Qaybta dambe:

koxda Arsenal ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha xilli ay Brentford si difaac ah ku bilaabatay si ay u dajiyaan dar-darta kooxda Arsenal.

Xiddiga Lokonga ayaa ku dhawaatay in uu Arsenal u keeno bar-baraha kadib laad xoogan oo uu laaday laakiin kubadaas ayay qabsaday kubada Goolhayaha kooxda Brentford.

Kooxda Brentford ayaa daqiiqadii 73-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Christian Norgaard kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay kooxdiisu ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay kooxda Arsenal la kulantay guuldaro niyad jab leh si xuna ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee premier League.