Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimaddda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Gudaha Saldhiga degmadaas lagu dhex dilay askari ka tirsan Ciidamada Booliska ee ka howlgallada Magaaladaasi Dhuusamareeb.
Askariga oo lagu Magacaabi jiray Cumar Cabduqaadir Jaamac ayaa waxaa la sheegay in uu dilkiisa ka dambeeyay askari kale oo ay ka wada tirsanaayeen Ciidamada Booliska, kaas oo lagu magacaabo Cabdiqani Naasir Doceey.
Dad ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in labada askari uu soo kala dhex-galay khilaaf, iyaga oo Shaqo ku wada jira, taasi oo keentay in mid kamid ah askarta uu midka kale dhowr xabadood uu ku dhufto.
Laaamaha Amniga ee Magaalada Dhuusamareeb ayaan weli ka hadlin dilkaas, waxaana wararku sheegayaan in askarigii dilka geystay ee ka tirsan Ciidamada Booliska Mauu baxsaday, isla markaana Ciidamada ay ku raad joogaan.