Kenya oo sheegtay in aysan aqoonsan doonin xukunka maxkamadda ICJ ee kiiska badda

936

Dowladda Kenya ayaa maanta oo jimce ah shaaca ka qaaday in aysan aqoonsan doonin go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda adduunka (ICJ), ay ka gaarayso kiiska badda ee Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibbada Kenya, Macharia Kamau, oo suxufiyiinta kula hadlayay magaalada Nairobi, ayaa sheegay in Kenya aysan u hoggaansami doonin natiijooyinka iyo bayaannada maxkamadda kasoo baxa.

Dowladda Kenya waxay ku dooddaysaa in maxkamaddu aysan lahayn awood ay ku go’aamiso arrinta kiiska badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.

“Kenya laguma qaadi doono dacwad caalami ah oggolaansho la’aan,” ayuu yiri Macharia Kamau, oo sheegay in Kenya mustaqbalka ka fakarayso ka baxitaanka ICJ.

Go’aanka Kenya ku dhawaaqay, ayaa kusoo aadaya, iyadoo ICJ ay isku diyaarineyso inay shaaciso xukunka kiiska badda.