Liverpool ayaa guul 3/2 ka gaartay Atletico Madrid xill Salah kulankaan uu wacdaro dhigay waliba uu isku qoray taariikhda kooxda macalin Klopp
Sheekada ciyaarta : Ka dib ciyaar xaraarad laheyd , Atletico Madrid iyo Liverpool ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac min laba gool ah xilli kooxda Klopp ay ku horeeysay goolasha .
Liverpool biloowgii cadaadis xooggan ayay saareen Atltico kuwaasi oo raadinayay jawi ciyaarta kula qabsadaan balse waxaa ka naxsaday Salah oo xiddigo kooxdaas reer Spain ah farsameeyay waxaase ku sii. xigay oo isna gool dharbaaxo ah ku sii garaacay Keita xilli goolasha yimaadeen daqiiqadihii 8-aad iyo 13-aad
Atletico wel wel kama aysan qaadin goolashaas , kubadana waa ay gaarsiinayeen goosha Liverpool balse waxaa laf dhuun gashay ku ahaa goolhayaha kaasi oo bad baadi sameeynayay
Liverpool labada goolba waxaa ka muuqday qalad dhanka daafaca ah waxaana daqiiqadihii 20-aad iyo 34-aad laba gool ka dhaliyay A. Griezmann.
Liverpool waxa ay kubad haysashadooda mararka qaar kor u dhaafeysay %63 , waxaana labada koox qeybta labaad laga filan karay goolal dheeraad ah ‘
Soo laabashadii Liverpool wax aay horay u soo giliyeen Fabinho oo loo saaray Keita waxaana Atlletico isla biloowgii gool u diiday goolhayaha Livrpool oo si weyn u foojignaa .
Nasiib darro, Atletico waxaa kaarka casaanka tooska ah ka qaatay A. Griezmann ka dib markii si qaldan kubadda lugta ula aaday taasi oo keentay in madaxa uu jug ka gaarsiiyo Firminhi waxa ayna aheyd daqiiqadii 52-aad .
Biloowga qeybta labaad , ciyaarta ma aheyn sidii qaabkii hore waxa uuna Klop soo giliyay Jota iyo e-Chamberlain oo loo saaray Mane iyo Milner waxa ayna aheyd daqiiqadii 63-aad