Hoggaamiyaha kooxda TPLF Debretsion Gebremichael oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney diyaar u yihiin wadahadal ay galaan dowlada Itoobiya, si loo soo afjaro dagaalka.
Jabhada TPLF ayaa dagaal adag kula jirta ciidamada Itoobiya, iyagoo qabsaday degaano badan oo ku yaalla gobolada axmaarada iyo cafarta.
“Xoog wax laguma maquunin karo, waan arragnay taas. Wax kasta awood laguma xallin karo ayaan horay u aaminsanayn, haddana sidoo kale xal siyaasadeed in loo baahan yahay ayaan aaminsanahay. Hal maalin xitaa haddii ay Dawladda dhexe u harsan tahay, waxaan udiyaarsanahay wadda haddal.” ayuu yiri hogaamiyaha TPLF.
Waxaa uu intaas ku daray in shacabka gobolka Tigray ay doonayaan iney ka tashadaan aayahooda.
“Hawshan hadda socota midii hore ee xilligii 1983 way ka duwan tahay, Addiss-Ababa inaan maamulno uma tagayno. Ajandayaal baddan ayaa hadda na horyaalla, shacabka Tigreegu inay aayahooda ka tashadaan oo ay iyagu go’aanka gaaraan ayaan rabnaa. Wixii dhibaato soo gaarayna in laga xisaabtamo” ayuu intaas ku daray.
Dowlada Itoobiya ayaa horey shuruud ugu xirtay iney wadahadal la gasho TPLF, waxaana shuruudahaas ka mid ah in TPLF ay ka baxdo degaanada ay qabsatay ee ka tirsan Axmaarada iyo Cafarta.