DAAWO:-Yaasiin Farey oo looxalaleeyay kursigiisa

1507

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashoyinka dalka ayaa go’aan ka soo saaray dacwadii laga soo gudbiyay doorashadii kursiga tirsigiisu ahaa HOP 67, kaasoo uu kusoo baxay Taliyaha Kumeel gaarka ah ee hay’adda Nabadsugida Qaranka Yaasiin Cabdullaahi Fareey.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga xalinta khilaafaadka ayaa lagu sheegay in habraacii loo maray kursiga HOP 67, uu ahaa mid sax ah.

25-kii bishii lasoo dhaafay ee November 2021, ayay aheyd markii doorashada kursigaan HOP 67, doorashadiisa ay ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana uu ku guuleystay Yaasiin Fareey, waxaana ka yimid guushii kadib dacwad ka dhan aheyd kursiga oo maanta ugu dambeyn guddiga doorashada shaaciyeen in habraacii kurasigaa loo maray uu yahay kii saxda ahaa.