DAAWO:-Rooble “Dherigii saddexda dhinac u dhaxeeyay ayaa ahay“

880

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xafiiskiisa si dhaw ula socdo muranka hareeyay doorashada isla markaana la qabanayo shir looga arinsanayo habsami u socodka doorashada.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaare Rooble in gollaha wadatashiga Qaran isugu imaananayaan shir looga arinsanayo muranka hareeyay dooarshada iyo sidii doorashada u noqon laheyd mid daah furan oo lagu kalsoonaan karo.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sheegay in uu culeesyo kala duwan kala kulmayo Madaxda dowlad goboleedyada uu sheegay in saameyn ku leeyihiin doorashada, xafiiska Madaxweynaha iyo golaha midowga musharaxiinta.

“Dadka waxay is weydiinayaan Ra’iisul Wasaaruhu muxuu la aamusan yahay waayadan, waddamada uu tagay miyaa dhabarka ka soo taabtay, wax kale lama aamusni, dherigii saddexda dhinac u dhaxeeyay ayaa ahay, haddii ay tahay Maamul Goboleedyada, Musharaxiinta iyo Madaxweynaha” ayuu yiri Rooble.

Hadalka Rooble ayaa u muuqda in uusan u madax banaaneen doorashada uuna cadaadis xoogan ka heesto xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo horey doorashada ugu wareejiyay iyo Madaxda dowlad goboleedyada.