Kuxigeenka Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in la xiray illaa amar dambe Terminalka Movcon ee ay isticmaali jireen Qaramada Midoobey, AMISOM iyo Safaaradaha reer Galbeedka, kaddib warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Waraaqda Maareeye kuxigeen ayaa sidoo kale lagu amray inay wixii hadda ka dambeeyay dhammaan duulimaadyada imaanaya iyo kuwa baxaya garoonka diyaaradaha Muqdisho, inay isticmaalaan Terminaalada qeybaha gudaha, caalamiga iyo qeybta VIP-da.