DAAWO:-Deni Boqor burhaanow boqorkeyga tahay”

986

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, oo caawa kala hadlayay Telefishinka Dowladda Shacabka Puntland, ayaa ka hadlay dagaaladii ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dagaaladii ka dhacay magaalada Boosaaso, iyo in hoobiyayaal lagu garaacay shacabka Boosaaso, muddo 30 sanno ah kaddib. Ayna tahay foolxumo in maanta waayeelkii iyo carruurtii oo barakac ah ay daruuf adag ku jiraan.

Waxaa uu ku amray ciidammada Puntland inay joojiyaan dagaal dambe oo ka dhacay Boosaaso, ayna diyaar u tahay Dowladdu inay waddo nabadeed ku doonto xalinta dagaaladii dhacay, inuu xilka wareejiyo Agaasimihii xilka laga qaaday ee Hay’adda Ciidanka PSF.

Sidoo kale, Maxamuud Cismaan Diyaano ayuu sheegay in looga baahan yahay inuu u hoggaansamo wareegtada Dowladda, wareejiyana xilka, maadama uu yahay meerto, uusana iska xumeyn mustaqbalka.

Madaxweyne Deni ayaa u mahadceliyay isimmada dhaqanka, Madaxweynayaashii hore ee Puntland iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, dadaaladoodii nabadeed, isagoo ku dhiiragaliyay inay sii xoojiyaan, kana shaqeeyaan in nabad ay ku dhamaato xaalada taagan. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Boqor Burhaan inuu si dhow uga shaqeeyo nabadda Boosaaso, maadama uu yahay Boqorkii Puntland.

Siciid Deni ayaa ku nuux-nuuxsaday in xukuumaddiisu marna diyaar u noqon dagaal ka dhaca Boosaaso, balse bedelkiisa intii uu xilka hayay uu nabad kusoo dabaalay Puntland, gaar ahaan Boosaaso iyo Gaalkacyo oo argagixisadu ay ku leynaysay haldoorkii Puntland.