Gudoomiye Ciro oo beeniyay xil ka qaadis lagu sameeyay

897

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka ee heer Federaal ayaa beeniyay in xil ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiyihii Guddiga FEIT iyo kuxigeenkiisa, ayna si rasmi ah u wataan howlahooda shaqo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga FEIT ayaa sheegay in Guddiga lagu hayo fara-gelin siyaasadeed, taas oo dhibaato ku ah shaqooyinka Guddiga.

“Doorashada waxay u bahan tahay in la saxo habraaceeda, sida guddiyada xulista ergada iyo in door muhiim ah la siiyo qabaa’ilka, mase u baahna in laga qaado xornimada guddiyada ka shaqeeya” ayuu yiri Maxamed Xasan Cirro oo ah gudoomiyaha guddiga doorashada ee heer Federaal.

“Guddigu wuxuu sidoo kale ka xun yahay caqabadaha joogtada ah ee lagu hayo guddiyada, kuwaasoo la kulma caga juglay iyo in si khasab ah qaarkooda looga saaray hoygii ay deganaayeen, tanoo ku ah sharaf dhac doorashada iyo dadka ka shaqeeya.”

Ugu dambeyn, Guddiga hirgelinta Doorashooyinka ee heer Federaal ayaa sheegay in sida kali ah ee doorashadu ku qabsoomeyso ay tahay in la saxo cabashooyinka, lana ilaaliyo madax banaanida Guddiga.