Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa taageertay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble.
Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, ayaa lagu sheegay in wada-hadaladan ay muhiim u yihiin dardargelinta doorashada iyo sixitaanka cabashooyinka jira.
“Waxaan sii wadeynaa in aan taageerno baaqii ku saabsanaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Wada-hadallada toddobaadkan ee madashan ayaa muhiim u ah dardargelinta hannaanka doorashada Soomaaliya iyo sixitaanka khaladaadka la arkay.
Sidoo kale, Safiirka Dowladda Ingariiska Kate Foster ayaa sheegtay inay taageersan tahay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.