Axmed Madoobe & Cabdi Xaashi oo ku kulmay Muqdisho+SAWIRRO

1138

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa la kulmay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Kulanka oo ka dhacay hoyga Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa ka qeybgalay Senator Cabdullahi Sheikh Ismaaciil Fartaag, iyadoo looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka dalka iyo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka furmaya magaalada Muqdisho.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa diirada lagu saari doonaa dardargelinta doorashooyinka dalka, xal u helida cabashooyinka ka dhashay hannaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka BJFS iyo muddeynta waqtiga ay soo gaba-gaboobeyso.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa War-saxaafadeed uu dhowaan soo saaray ku baaqay in la qabto doorashada, si loo yareeyo khilaafaadka hareeyay madaxda dalka iyo Doorashooyinka.