Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo Li xildhibaan cayriyay

1311
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa ilaa 4 kulan oo fadhiyada baarlamaanka ah ka joojiyay Lix Xildhibaan waxaana ku jiro guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Galmudug, sidoo kale waxaa laga joojiyay Gunno 2 bilood ah iyadoo lagu amray in ay bixiyaan raali gelin qoraal ah inta uu socdo Kalfadhigaan kadib markii lagu eedeeyay howl gudasho la’aan.
Xubnaha maanta shaqo joojinta lagu sameeyay ayaa maalmahaan aad u diidanaa shuruuc aan marin habraaca saxda ah oo baarlamaanka xoog lagu marsiiyay iyo qaladaad kale oo uu ku kacay Dr Gacal.