Golaha Wasiirrada Somalia oo liiska argagaxisada kasaaray ONLF+SAWIRRO

803

Golaha Wasiirrada Somalia oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyay in laga laabto go’aan uu horay u gaaray Golaha Xukuumadda Sanadkii 2017, kaasoo ururka ONLF u aqoonsaday urur agagixiso, ka dib dhiibistii Cabdikariin Muuse Qalbi dhagax oo ka tirsanaa ururkaas kaasoo loo gacan geliyay Ethiopia.

Qalbi dhagax oo gacan gelintiisa ay si weyn uga falceliyeen Soomaalida ayaa waxaa markii dambe sii daayey dowlada Itoobiya isaga iyo maxaabiis kale oo ku jiray jeelasha dalkaas ka dib markii uu talada dalkaas la wareegay Abiy Ahmed raisul wasaaraha Itoobiya.

Dowada Somalia ayaa xiligaas dhiibista qalbi dhagax qiil kaga dhiigatay Heshiisyo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay Ethiopia ee 07-dii Juun 2015-kii, kaasoo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirru Dowlihii Madaxtooyada ee dowladdiii Xasan Sheekh Mahad Maxamed Salaad.

Heshiiskaas ayaa u aqoonsanaya kooxaha hubaysan oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab iyo Jabhadda ONLF in ay khatar ku yihiin amniga labada dal, meelna looga soo wada jeesto oo labada dal ay iska kaashadaan si wada jir ah.

Go’aankan ayaa ku soo beegmay xili khilaaf xoogan oo la maaro waayey uu dhexeeyey Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo RW xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.