Xaliimo Gobaad oo fanka kabaxday kadib marki laguursaday

1195

Fanaanadii caanka ahayd ee Soomaaliyeed Xaliimo Maxamed Axmed (Xaliimo Gobaad) ayaa si rasmi ah u shaacisay inay isaga baxday guud ahaan arrimaha fanka.

Xaliimo Gobaad ayaa qoraal rasmi ah oo ay kusoo daabacday facebook-geeda waxay ku sheegtay in ay si rasmi ah uga baxday fanka. kadib muddo dheer oo ay kusoo jirtay.

“Waxaan go’aan saday in aan iska joojiyo fanka taageerayaasheyda sharafta badan waxaan idiinka rajeynayaa in aad qeyrka igu taageertaan Alla oo Raali iga Noqda ayaa muhiim ah,” ayay tiri Xaliimo Gobaad.

Gobaad oo kamid ahayd fanaaiinta aad loogu jeclaa fankeeda, islamarkaana qaaday heeso badan oo Soomaali ah, waxay sheegtay inay ilaaheey dartiis uga baxday fanka.

Ka bixitaankeeda fanka ayaa kusoo aadaya maalmo kadib markii ay shaacisay guurkeeda cusub.