DAAWO:-Wasiirkii Qorsheynta Galmudug oo weeraray QoorQoor

1215

Wasiirkii Qorsheynta Galmudug Cabdinaasir Geelle Cilmi oo maalin ka hor iska casilay xilkaas ayaa warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, isagoo faahfaahin ka bixiyey sababta keentay inuu iska casilo xilkaas.

Wasiir Cabdinaasir ayaa aad u eedeeyey madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor, isagoo sheegay in is-casilaadiisu ay salka ku heyso kursiga golaha shacabka ee beeshiisa ee Hop#147 oo Madaxweyne Qoor Qoor uu la rabo Mahad Salaad.

“Madaxweyne Qoor Qoor waan la fariistay oo waxaan ku iri madaxweyne tolkeyga ka daa sida aad ula dhaqmeyso, sida aad u maamuleyso kursiga Hop#147 ayeysan dhibaato ka dhex abuurin beesha aan ku metelo Galmudug, sidoo kale dadkeyga dowladnimada ha nacsiin ee u madax baney masiirkooda,” ayuu yiri Wasiir Cabdinaasir Geelle.

Geelle ayaa intaas ku sii daray in Qoor Qoor uu ugu jawaabay inuu bixiyey kursigaas, “Kursigaas nin ayaan siiyey, waana ku soo bixi doonaa ninkaas ayuu igu yiri Qoor Qoor.”

Intaas kadib waxa uu sheegay inuu go’aansaday inuu ka tanaasulo tartanka kursigaas, sidoo kalena uu iska casilo xilkii wasiirka qorsheynta Galmudug.

Wasiir Cabdinaasir Geelle ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ku tilmaamay nin aan rajo dambe ka leheyn wanaaga dowladnimada Galmudug, isagoo sheegay in aysan jirin cid uu heshiis la yahay ama uu talo ka qaadanayo, isagoo ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta hoggaan xumo uu sheegay inay ka jirto Galmudug.

kursiga uu ka dhashay khilaafka Qoor Qoor iyo wasiirkiisii qorsheynta Cabdinaasir Geelle ee Hop#147 ayaa loo xiray Mahad Salaad oo horay ugu fadhiyey, waxaana laga hor istaagay musharaxiin badan inay u tartamaan, iyadoo galabta shahaadadii musharaxnimada la siiyey Mahad Salaad oo la doonayo Khamiista berri.