Wasiir Jamaal oo walaac ka muujiyay Doorashada ka dhaceysa Boosaaso

863

Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga  dowladda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa walaac xooggan ka muujiyay doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee lagu qabanayo magaalada Boosaaso.

Wasiir Jamal oo sidoo kale ah Xildhibaan mar kale u tartamaya kursi lagu dooranayo magaalada Boosaaso ayaa dhaliilay habraaca loo marayo doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee lagu dooranayo magaalada Boosaaso.

Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in isaga iyo siyaasiinta kale ay doonayaan in doorashada loo madax banneeyo qabaa’ilka iska leh kuraasta, isaga oo ka digay faro-galinta habraacyada doorashada ee lagu heshiyay.

Waxa uu sheegay Wasiirka in habraaca doorashada ka dhaceysa Boosaaso ay wax badan ka qaldan yihiin, waxa uuna xusay in garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso Teendho laga dhisay taasoo la doonayo in lagu qabto doorashada gollaha Shacabka.

Wasiirka Qorsheynta ayaa sheegay in ammaanka doorashada ka dhaceysa Boosaaso in ay ilaalinayaan ciidamo aan aheyn kuwii lagu heshiiyay sida booliiska iyo AMISOM, waxa uuna cadeeyay in ammaanka loo dhiibay ciidanka PMPF oo meelo kale laga taageero.

Magaalada Boosaaso ayaa lagu qabanayaa doorashada 11-kuri oo kamid ah gollaha shacabka, waxaana wasiir Jamaal oo kamid ah saaxiibada Farmaajo loo badinayaa in uusan kusoo bixin doorashada loona xiro kursiga shaqsi kale uu Madaxweyne Deni wato.