Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 11, ku magacaabay Agaasimaha Wacyi-gelinta Ciidamada iyo la-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada, ee Wasaaradda Amniga iyo DDr-ta Puntland.
Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa u qornayd sidan:
Maadxweynaha Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay:Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1.Waxaa Maxamed Cabdiweli Nuur (Timire) loo magacaabay Agaasimaha Wacyi-gelinta Ciidamada iyo la-dagaalanka Argagixisada, ee Wasaaradda Amniga iyo DDr-ta Dowladda Puntland.
2.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.