Puntland Oo mamnuucday in Shirar Siyaasadeed Lagu Qabto Gaalkacyo

613

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland G/Sare Muumin Cabdishire  ayaa Maanta kaqeyb galay  shirka amniga oo Maanta ka qabsoomay  Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Shirka ayaa waxaa inta uu socday looga hadlay sidii loo dardar-gelin lahaa amniga Gobolka xoojinta la dagaalanka argagixisada loogana hortagi lahaa shirarka siyaasadaysan ee lidiga ku ah amniga.

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug  Muumin Cabdi Shire oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in  laamaha amniga looga baahan yahay inay xoojiyaan sugida amniga Magaalada Gaalkacyo, isla markaana laga hortego wax kasta oo keeni kara amni darro.

Taliyaha Booliska ayaa waxaa uu intaas kusii daray in shirar looga hadlayo Arrimo siyaasadeed aan lagu qaban karin Gaalkacyo, isagoo xusay in aysan jirin sabab keeni karta in xiligaan lagu qabto shirar siyaasadeed Magaalada.

Ugu dambeyn Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa tilmaamay in shirarkaas lagu khal-khal gelinayo amniga, wuxuuna sheegay in Saraakiisha iyo ciidankuba ay diyaar u yihiin fulinta qodobada ka soo baxay shirka.