Sheekh Shariif oo loo xiray Kursiga HOP#14

775

Guddiga maamulka doorashada heer dowlad goboleed Hirshabelle ayaa shaaciyay saddexda kursi ee ugu dambeeya kuraasta deegaan doorashadooda tahay Hirshabelle, kuwaa oo lagu wado in doorashadooda ka dhacdo magaalada Jowhar.

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada ayaa lagu sheegay in doorashada saddexdan kursi oo kala ah HOP#135 ,HOP#141,HOP#146 la qaban doono maalinta sabtida ah ee taariikhdu ku beegan tahay 30-ka bishan Abril.

Kursiga HOP#14 uu horey ugu fadhiyay wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sannadkan tolkiisa siiyeen laguna wadaa in loo xiro Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale hada ah Musharax Madaxweyne.

Waxaa sidoo kale kursiga HOP#141 uu horey ugu fadhiyay Wasiirkii hore Amniga Maxamed Isloow Ducaale, ayaa lagu waramayaa in doorashadiisa la furayo, waxaana kursigan musharaxiinta ku tartamaya mar kale ku jira Xildhibaan Islow Ducaale.

Kursiga saddexaad ee doorashadiisa ka dhaceyaso Jowhar HOP#146 oo horey ugu fadhisay Xildhibaanadii Qaraxa lagu dilay Aamina Maxamed Cabdi ayaa laga yaabaa in kursiga loo xiro qof ay soo xusheen qoyska Xildhibaanada la dilay.

Kuraastan ayaa noqonaya kuwa ugu dambeeya ee deegaan doorashadooda tahay maamulka Hirshabelle marka laga reebo kursi Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo natiijadiisa la laalay mar kalana lagu wado in dib loogu celiyo.