DAAWO:-Rooble oo sheegay sababta uu isu soo sharixi waayay

1024

Raisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabada Ciidul-fitriga, isagoo dhinaca kale ka hadlay mustaqbalkiisa Siyaasadeed.

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Islaamka ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidda Barakeysan ee Ciidul Fidriga, Waxaa mahad oo dhami u sugnaatay Allaha weyn oo si nabad iyo caafimaad leh noogu dhammeeeyay bishii Barakeysneyd ee Ramadadan. Allaha naga aqbalo soonkii iyo acmaashi wanaagsanayd ee aan la nimid ” ayuu yiri Rooble.

Rooble ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ILAAHAY wax siyey iney u naxariistaan walaalahood danyarta ah.

“Ciiddu waa munaasabad farxadeed, sidaas darteed waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Eebbe wax siiyay in la caawiyo dadka danyarta ah, lagana farxiyo iyaga iyo qoysaskooda si ay u dareemaan farxadda Ciidda” ayuu intaas ku daray Rooble.

Waxaa uu xusay in Munaasabadda Ciiddul Fidriga ay sanadkan ku soo aadday iyadoo uu xaalku aad uga duwan yahay sidii uu ahaa sanadkii hore xilligan oo kale, markaasoo uu sheegay inay dalka ka jirtay xaalad amni yo siyaasadeed oo aad u kacsan taas oo la xiriirtay doorashada dalka iyo heshiis la’aanta siyaasadeed ee ka taagneyd.