Xasan Sheekh oo booqday wasaarada gaashaandhiga +SAWIRRO

759

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, isagoo halkaasi kula kulmay saraakiisha ugu sareysa ciidanka.

Ujeedka socdaalkan ayaa ah si uu ugu kuurgalo hannaanka shaqo ee Wasaaradda iyo Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna haatan kulamo la leeyahay taliyeyaasha iyo saraakiisha hoggaannada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Arrimaha uu kala hadlayo waxaa qeyb ka ah sidii loo abaabuli lahaa ciidanka si ay isugu diyaariyaan duulaan hor leh oo lagu qaado deegaanada Shabaab waxaana laga bilaabi doonaa labada Shabeelle oo xad la leh magaaladda Muqdisho oo ah saldhigga dowladda.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Jaamac iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa madaxweynaha warbixin ka siiyay howsha ciidanka xoogga dalka, iyadoo macluumaadka la siinayo lagu xusi doono tirada askarta, agabka ay heystaan iyo meelaha ay kala joogaan.

Madaxweyne Xasan oo khudba kooban jeediyay markii uu xilka la wareegay bishii hore ee May wuxuu sheegay inuu diirada saari doono sidii Muqdisho loo xasilin lahaa, Shabaabna looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihijn wadanka, iyadoo shantii samo uu xafiiska fdhiyay Farmaajo aaney Shabaab laga qabsan deegaano muhiima.