Qaar ka mid ah dhaawacyada qaraxii Jowhar oo Muqdisho lageeyay+SAWIRRO

591

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee saaka ka dhacay magaalada Jowhar ayaa loo soo duuliyey magaalada Muqdisho.

Dayuurad Helicopter ah oo ay leedahay QM ayaa goor dhow ka soo qaaday garoonka dayuuradaha magaalada Jowhar dad iskugu jira Masuuliyiin iyo shacab dhaawacoodu cuslus yahay si loogu daweeyo isbitaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii maanta ka dhacaya magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala eegtay hotel ay degenaayeen wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan Hirshabeelle.

Madaxtooyada Hirshabelle ayaa sheegtay in qaraxu burburiyay hotelka iyo guryo ku dhaw isla markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo gaaray dadkii ku sugnaa goobahaas.