Fu’aad Maxamed Khalaf oo loo garasho og yahay Fu’aad Shongale, islamarkaana ka mid ah madaxda sare ee dagaalyahanada Al-shabaab oo la hadlay warbaahinta Shabaabka ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay sheegashada dowladda Itoobiya ay ku sheegatay iney ku dishay isaga iyo saraakiil kale dagaaladii la dhacay deegaanka Aato iyo Yeed ee gobolka Bakool.
Fu’aad Shongale ayaa sheegay inuu nool yahay oo uu caafimaad qabo, islamarkaana ay sii wadi doonaan dagaalada ay ku beegsanayaan ciidanka Liyuu Booliiska dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
“Waxa aniga oo nool la hadlaya muslimiinta, waxaa u sheegayna muslimiinta in aan noolnahay oo sharaf leenahay, Waa noolahay waana caafimaad qabaa” ayuu yiri Fu’aad Shangole.
Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu sheegay in ciidanka Liyuu Booliiska ay yihiin kuwa ugu liita Maleeshiyaadka soomaalida, isagoo sheegay ineysan waligood guuleysan doonin, maadama ay ku joogjoogsadeen kalmada Towxiidka.
“Liyuu Booliiska waa kuwa ugu liita maleeshiyaadka Soomaalida diin ahaan iyo dhaqan ahaanba, Waxayna ku dambeyn doonaan ciidamada Liyuu Booliska darxumadii uu ku dambeeyey ninkii aas-aasay” ayuu yiri Shongale.
Jimcihii lasoo dhaafay ayay aheyd markii dowladda Itoobiya sheegatay iney dileen sadax sarkaal oo kala ahaa Fu’ad Shongale oo ah madaxda tashkiilinta dagaalyahanada Shabaab, afhayeenka Al-shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab iyo Cubeyda Nuur Ciise oo la sheegay inuu yahay madaxa Al-Shabaab u qaabilsan abaabulka ay kooxda ka wado xuduudka dowlad deegaanka ee gobalka Bakool, waxaana sheegashadaasi ay noqotay mid u muuqata been abuur, maadama sadaxda sarkaal laba ka mid ah soo hadleen oo ay sheegeen iney nool yihiin.
Kooxaha chelsea iyo Arsenal ayaa ku kala baxay bar-baro kulan xiiso lahaa oo ka dhacay Stamford Bridage kana tirsanaa horyaalka premier league.
Kulanka ayaa ahaa...
We use technologies like cookies to store and/or access device information. We do this to improve browsing experience and to show (non-) personalized ads. Consenting to these technologies will allow us to process data such as browsing behavior or unique IDs on this site. Not consenting or withdrawing consent, may adversely affect certain features and functions.
Functional
Always active
The technical storage or access is strictly necessary for the legitimate purpose of enabling the use of a specific service explicitly requested by the subscriber or user, or for the sole purpose of carrying out the transmission of a communication over an electronic communications network.
Preferences
The technical storage or access is necessary for the legitimate purpose of storing preferences that are not requested by the subscriber or user.
Statistics
The technical storage or access that is used exclusively for statistical purposes.The technical storage or access that is used exclusively for anonymous statistical purposes. Without a subpoena, voluntary compliance on the part of your Internet Service Provider, or additional records from a third party, information stored or retrieved for this purpose alone cannot usually be used to identify you.
Marketing
The technical storage or access is required to create user profiles to send advertising, or to track the user on a website or across several websites for similar marketing purposes.