Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goordhow ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle, kaas oo geystay khasaare kala duwan.
Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay halka loo yaqaano Todobada Geed oo ay ku yaallaan maqaayado ay dadka ku shaaxaan.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari NOAHA oo la sheegay in lagu soo xiray walxaha, mana cidda inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.
Xaaladda goobta ayaa sidoo kale aad u kacsan, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ka soo horjeeda hoteelka Nuur Doob oo uu dhawaan ka dhacay qarax is-miidaamin ahaa oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogleh.
Saraakiil ka tirsan laaamaha amniga ee dowlad goboleedka HirShablle ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxayna wadaan baaritaano dheeraad ah.