Waxaa goor dhow lagu dilay magaalada Muqdisho abukaate ama qareen caan ah oo ka mid ahaa sharci yaqaanada Soomaaliyeed ee ka shaqeeya dalka
Abukaate Maxamed Warsame ayaa waxaa rasaas ku furay dabley hubeysan oo weerar ku soo qaaday sida ay wararku nagu soo gaarayaan.
Marxuumka ayaa markiiba u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray, iyadoo kooxihii hubeysnaa ee dilay ay goobta ka baxsadeen sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.
Warsame ayaa ka soo muuqan jiray Maxkamadda ciidamada qalabka sida, waxaana inta badan loo qaban jiray inuu difaaco dacwadaha loo haysto dadka ku eedeeysan Al-Shabaabnimada.