Tirada dadka ku dhintay Qaraxyadii Muqdisho oo sii kordhay

301

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho ee ka dhashay qaraxyadii xooganaa ee shalay ka dhacay isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho, waxaana saakay la helay meydad hor leh oo laga soo saaray dhismayaasha burburay.

Isbitaalada magaalada Muqdisho qaarkood wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in ay geeriyooday qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii magaalada Muqdisho, kuwaa oo xaaladooda adkeed laguna guul dareestay in la badbaadiyo.

Dhaawacyada isbitaalada magaalada Muqdisho yaalla qaarkood ayaa wali ku jira xaalad halis ah, waxa ayna u baahan yihiin isbitaalo dibadda ah oo xaaladooda caafimaad lagula tacaali karo sida dhaqaatiirta Muqdisho qaarkood sheegeen.

Khasaaraha dhimasho ayaa inta hadda la ogyahay ka badan 100-qof, waxaana saacad kasta sii kordhaya tirada dhimashada ee ka dhashay qaraxyadii shalay gilgilay isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada aruurinta xogta dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxyada Soobe, mana jiro faahfaahin badan oo saakay dowladda kasoo saartay tirada khasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay sheegay in dadka ku dhintay qaraxyada ka badan yihiin boqol qof, halka tirada dhaawacyadana gaarayaan boqolaal qof oo kale oo qaarkood dhaawacyo culus qabaan.