TPLF oo sheeko cusub keentay

339

Wejigii labaad Wadahadaladii u dhaxeeyay TPLF iyo Dowladda dhexe ee Itoobiya oo ka socday magaalada Nairobi ayaa u muuqda kuwo wakhti dheer qaadan doona ka dib markii ay soo wajaheen caqabado.

Wadahadalkan oo ay ka qeyb galayeen saraakiisha ciidamada labada dhinac ayaa lagu waday in maalintii shalay la soo afmeero balse ma jiro war rasmi ah oo ilaa hadda ay dhinacyadu soo saaren.

Qodobka ugu adag ee keenay ismari waaga ayaa ah hubka dhigista kooxda TPLF oo shuruudo ku xirtay fulinta arrintaas.

“Hubka dhigista qodobka la xiriira waxaa caqabad ku noqday dalab ka yimid kooxda TPLF oo doonaysa in si deg-dega ciiddamada Eritrea uga baxaan Tigray” ayuu yiri sarkaal magaciisa qariyey oo ka tirsan ciidamada Itoobiya.

Arrimaha kale ee ay kooxda TPLF dalbatay waxaa ka mid ah in marka hore la soo celiyo addeegyadii aasaasiga iyo inay dadkoodu gargaar degdeg ah helaan.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xili qurba joogta Tigray ay caddaadis saarayaan TPLF inaan hubka dhigista lagu deg-degin, iyadoo dowlada Itoobiya dooeyso in marka hore TPLF hubka dhigaan, ka hor inta aan talaabo kale la qaadin, taasoo TPLF u cuntami weysay.

Wakiilka  Midowga afrika u qaabilsan Itoobiya iyo madaxweynihii hore ee Kenya oo garwadeen ka ah wadahadalka ayaa ku dedaalaya sidii labada dhinac ay ugu heshiin lahaayeen qodobada la isku mari la’yahay.