Deni oo amaro la dul-dhigay garoomada diyaaradaha Puntland

396

Dawlad Gobaleedka Puntland ayaa amar dul-dhigay Maareeyayaasha garoomada diyaaradaha deegaannada Puntland, kaddib markii dhowaan dhacdooyin is xig-xiga ay ka dhaceen garoomada diyaaradaha magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Waraaq kasko baxday Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, ayaa lagu faray Maareeyayaasha garoomada diyaaradaha inay Wasaaradda kusoo wargeliyaan waxyaabaha joogtada ah ee kusoo kordha garoomada, sida diyaaradaha, oo ay kamid yihiin kuwa habeenkii daga.

Tallaabadan ayay Wasaaraddu sheegtay inay uga gol-leedahay badqabka garoomada iyo Amnigooda.

Go’aanka kasoo baxay Wasaaradda Duulista Hawada Puntland ayaa kusoo aadaya xilli maalmo kahor diyaarado aan la aqoon ujeedadooda rasmiga ah ay soo caga dhigteen garoonka diyaaradaha Garoowe, kuwaas oo uu kula kulmay garoonka Madaxweyne Siciid Deni xilli uu sagootinayay Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Laftagareen.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilligaas su’aalo ku saabsan diyaaradahan weydiiyay masuuliyiinta garoonka gacanta ku heysa iyo Wasaaradda Duulista Hawada, balse madaxda ayaan siin jawaab waafi ah, taas oo keentay in Hay’addaha Amniga uu faray in baaris dheeraad ah lagu sameeyo diyaaradaha.

Sidoo kale, Go’aanka ayaa kusoo aadaya xilli uu Madaxweyne Deni ka carooday diyaarado ay lahaayeen Ciidamada Mareykanka oo xilli habeen ah ka degay dhowaan garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, diyaaradaha oo u socday Ciidanka PSF ayaa la sheegay inay xiisad ka dhaliyeen garoonka, ayna hakad galiyeen shaqadii sabaxdii ee garoonka.